DHAGEYSO:Kalonzo Musyoka oo qafiifiyay go’aan uu horay ka qaatay xukuumadda lagu mideysan yahay

0
659

Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa u muuqdo inuu hadda fududeeyay mowqifkii adkaa ee uu horay ka qaatay go’aankii qaar ka mid ah xubnaha xisbiga ODM ay ugu biireen golaha wasiirrada ee maamulka madaxweyne William Ruto.
Musyoka ayaa horay tallaabadaasi aad u dhaliilay .
Waxaa uu sheegay in siyaasiyiinta kala ah John Mbadi , Cali Xasan Joho , Wycliffe Oparanya iyo Opiyo Wandayi ay qaateen go’aan shakhsiyeed oo aynan ku matalin isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya.
Waxaa uu xilligaasi sheegay in xita haddii ODM oo ka tirsan Azimio ay go’aansatay in ay dowladda la shaqeyso , in ka mucaarad ahaan ay sii jirayaan.
Hasa ahaate, Kalonzo Musyoka ayaa hadda sheegaya in isaga iyo Raila Odinga ay sii wadi doonaan in ay ka sii wada xaajoodaan xoojinta mucaaradka .
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ay ka go’an tahay ka shaqeynta sidii lagu soo dhisi lahaa urur awood leh oo sanadka 2027-da u tartami doono hoggaanka ugu sarreeya ee dalka.
Kalonzo Musyoka ayaa intaasi ku daray in guddoomiyaha golaha Azimio ahna madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta uu dhawaan guddoomin doono shir looga arrinsanaya arrimaha mucaaradka.
Waxaa uu dhanka kale dalbaday in ay cadaalad helaan qoysaska dhallinyaradii lagu waxyeelleeyay dibadbaxyadii ka dhanka ahaa dowladda ee dhacay isagoo ku baaqay in da’yarta laga qayb geliyo wada hadallada qaran.

Sidoo kale , madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa ka gaabsaday inuu ka jawaabo su’aal ahayd hadalkii Raila Odinga ee tilmaamayay in Uhuru Kenyatta uu kula taliyay inuu garab siiyo soo dhisidda xukuumad lagu mideysan yahay.