DHAGEYSO:Kalonzo Musyoka oo dhaliilay hadal ka soo yeeray Ruto

0
583

Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa gaashaanka u daruuray hadal uu dhawaan jeediyay madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.
Ruto ayaa sheegay inay jiraan musharraxiin hadda taageero siyaasadeed ka raadsanaya gobolka bartamaha dalka sidaas awgeedna maadaama uu kaga aqoon badan yahay uu soo dhaweynaya.
Hasa ahaate madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka ayaa xusay inuusan jirin musharrax sheegan karo in gobol gaar uu isaga keliya u xiran yahay oo ay tahay cidii daneynaysa inay xiriir la sameyso.
Sidoo kale waxaa uu carrabka ku adkeeyay in isbeheysiga OKA ee ay ku midoobeen xisbiyada Wiper, ANC, Ford-Kenya iyo KANU uu doonayo inuu wax ka qabto musuqmaasuqa iyo dhaqaalaha hooseeya ee wadanka hadii uu sanadka 2022-ka la wareego hoggaanka ugu sarreeya.