DHAGEYSO:Kalonzo Musyoka oo cambaareeyay falal lagu dumiyay dhismooyin ku yaallay Mavoko

0
222

Hoggaamiyaha xisbiga Wiper, Kalonzo Musyoka ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabo lagu buburiyay dhismooyin ku yaallay deegaanka Mavoko ee ismaamulka Machakos.
Waxaa uu sheegay in tani ay liddi ku tahay qorshaha dowladda ee lagu dhisaya guriyo tayeysan oo ay shacabka ku degi karaan qiimo ay awoodaan.
Mr. Musyoka ayaa sheegay in dhulka lala simay kaniisado , guriyo iyo dugsiyo.
Waxaa uu intaasi ku daray inay hadda jiraan haween iyo carruur hooy la’aan noqday dhacdadaasi awgeed isagoo dowladda ka dalbaday inay howshaasi joojiso.
Goobta la burburiyay ayaa waxaa ka taagan muran dhuleed oo shirkado u dhexeya.