DHAGEYSO:Kalkaaliyeyaasha oo ku hanjabay in ay ku biirayaan shaqo joojinta dhakhaatiirta

0
208

Ururka qaran ee ay ku mideysan yihiin kalkaaliyeyaasha dalka ee (KNUN) ayaa ku hanjabay in xubnihiisa ay ku biiri doonaan shaqo joojinta uu shaaciyay ururka dhakhaatiirta wadanka ee KMPDU.
Waxaa arrinkan sheegay Xoghayaha Guud ee ururka KNUN, Seth Panyako.
Mas’uulkan ayaa xusay in ay qasab tahay in gacanta lagu soo dhigo oo lala xisaabtamo ciidamadii Khamiistii dhaawaca u gaystay Xoghayaha Guud ee KMPDU Dr. Davji Atellah.
Panyako ayaa wacad ku maray in kalkaaliyeyaasha wadanka ay tallaabo qaadi doonaan hadii taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Japheth Koome uunan soo xirin askartii dhibaateeyay Atellah.
Sidoo kale waxaa uu wasiiradda caafimaadka ee dalka Susan Wafula Nakhumicha ugu baaqay in ay arrintan wax ka qabato sidoo kalena ay xal u raadiso ismari waaga howlwadeennada caafimaadka kala dhexeya wasaaradda ay hoggaamiso.