Wasiirka Wasaaradda Qorheynta Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Cabdiraxmaan Cabdi Axmad ayaa sheegay in lacag hal Milyan oo doolar oo Xukuumaddii Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble u qoondeysay gurmadka abaaraha la siyaasadeeyay.
Waxaa uu sheegay in lacagtaas kaliya Maamulka Jubbaland laga soo gaarsiiyay tiro laba jeer ah oo min 10 kun oo doolar la soo diray, isaga oo sheegay in lacagaha iyo deeqaha macaawinada ah ee loogu talo galay abaaraha ay noqdeen kuwo lagu raadsado saaxiibtinimo ama xil Wasiir.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in deeq kasta oo ka timaada Caalamka ay ahayd in dowladda federaalka iyo maamul Goboleedyada ay ka tashadaan sida loo qaybinayo, balse taasi ay meesha ka baxday oo dad gaar ah ay jeebka ku shubteen.
Waxaa uu xusay in cabashadooda uu Madaxweynaha Jubbaland u gudbiyay Madaxda Sare ee dowladda Soomaaliya, ayna rajeynayaan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu aqbalo in si siman oo wadatashi ah loo qaybiyo deeqaha Caalamka uga yimaado Soomaaliya.
Hadalka ka soo yeeray Wasiirka Wasaaradda Qorheynta Maamulka Jubbaland ayaa ku soo beegmay xilli dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu aad u xumaa xiriirka Dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo iyo Maamulka Jubbaland .