Maaamulka Jubaland ayaa waxay sheegeen in Madaxwaynaha cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay ka rajeynayaan in uu gacanta Jubbaland dib ugu soo celiyo maamulka Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.
Wasiirka warfaafinta dowlad Goboleedka Jubaland Suleymaan Maxamed Maxamuud oo Idaacadda Voa-da u waramay ayaa sheegay in Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ay ka rajeynayaan in uu xal u helo arrinta Gobolka Gedo.
Dowladda Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo maamulka Jubbaland ayaa saddexdii sano ee u dambeysay waxay isku hayeen maamulka gobolka Gedo.
wasiirka warfaafinta Jubaland ayaa sheegay in ay ka rajeynayaan dowladda cusub inay qaabkii hore wax ka badasho oo maamulka sharciga ah sida sharciga ah ay ku soo celiso dowlad goboleedka Jubbaland.
Waxaa uu wasiirka inta ku daray in sidoo kale ay doonayan in dib u heshiisiin laga sameeyo gobolka Gedo maadama uu khilaaf ka taagnaa sanooyiinkii u dambeeyay.
Wasiirka warfaafinta ee maamulka Jubaland Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa farta ku fiiqay in dowladda cusub iyo maamulka Jubaland ay ka shaqeyn doonaan sidii ciidamadii ay dowladdii madaxwayne Farmaajo geysay Gedo halkaasi laga soo saaro.
Gobolka Gedo ayaa muddo waxaa ka jiray xiisad siyaasadeed, ayada oo gacan ku hayntiisa ay isku hayeen dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedka Jubaland.




