DHAGEYSO:James Orengo: Madaxweyne Ruto adiga oo midnimada eegaya la shaqee Raila

0
334

Barasaabka ismaamulka Siaya James Orengo ayaa ka codsaday madaxweynaha dalka William Ruto inuu la shaqeeyo hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya, Raila Odinga.
Waxaa uu Orengo sheegay in xiliigii doorashada laga soo gudbay, loona baahan yahay in dalka loo midoobo sidii hore.
James Orengo ayaa xasuusiyay madaxweynaha wadanka wakhtigoodii ay mucaaradka ku jireen markii uu Ruto aad u difaaci jiray Raila.
Hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka iyo ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua ayaa tan iyo billowgii ololahooda doorashada, waxay caddeeyeen inuusan jiri doonin heshiis la mid ah midkii sanadkii 2018-kii.
Barasaabka ismaamulka Siaya ayaa shaaca ka qaaday inuu Raila kala hadlay booqashadii Ruto ee Nyanza uuna ku soo dhaweeyay madaxweynaha gobolkaasi.