DHAGEYSO:Ismaamulka Lamu oo looga dhawaaqay bandow habeenkii ah

0
273

Dowladda dhexe ayaa shaacisay in bandow habeenkii ah oo shaqeynaya inta u dhexeysa 7-da fiidnimo ilaa 6-da aroornimo uu ka dhaqan galaya deegaano ka tirsan ismaamulka Lamu oo ay weerarro ku soo noqnoqdeen.
Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo ismaamulka Lamu, Louis Rono ayaa sheegay in tallaabadan looga gol-leeyahay in amniga lagu xoojiyo.
Waxaa uu dadweynaha u sheegay in cidii ay saraakiisha ammaanka arkaan iyadoo socoto xilliga habeenkii ah in loola macaamili doono sida burcadda iyo kooxaha gaysta falalka argagixisannimo.

26-kii bishii hore ayay ahayd markii ugu yaraan 5 qof lagu dilay tuulooyinka Salama iyo Juhudi ee Lamu iyadoo la gubay 11 guriyo ah.
Sidoo kale weerar dhawaan ismaamulkaasi ka dhacay ayaa lagu dilay hal qof halka ilaa toddobo guri dab la qabadsiiyay.