DHAGEYSO:Wiil yar oo ku dhintay Islii ka dib markii uu ku soo dhacay bulukeetiga guri la dhisaya

0
550

Xaafadda islii gaar ahaan waddada afaraad ayaa waxaa ku naf waayay Cabdisalaam Axmad oo labo sano jir ah ka dib markii uu haleelay bulukeeti ka soo dhacay dabaq laga dhisayay meel u dhow guri ay qoyska wiilkan deggan yihiin.
Abaare 1-dii duhurnimo ee shalay ayaa dhacdadani la soo tabiyay iyada oo wiilka yar uu isla goobta ku dhintay ka dib markii uu dhagax ka haleelay madaxa iyo wadnaha.
Gurigan oo dhismihiisa gaaray dabaqa 10-aad ayaa waxaa ka soo dhacay dhagxaan badan, oo sidoo kale burbur u gaystay baabur halkaasi lagu baakimay.
Dadkii kale ee ku sugnaa guriga ayaa ka badbaaday dhagaxa ka soo dhacay dabaqa uu dhismaha ku socdo.
Qoyska uu ka geeriyooday Cabdisalaam Axmad ayaa sheegay inay qaadi doonaan tallaabo sharciyeed oo ka dhan ah milkiilaha guriga.
Waxaa hadda la joojiyay dhismaha dabaqa iyada oo laamaha amniga ee saldhigga booliska Pangani ay milkiilaha guriga ku amreen inuu si degdeg ah u tago xaruunta booliska.
Mid ka mid ah dadkii goob joogga ahaa ayaa warbaahinta la hadlay.