DHAGEYSO:Isku socodka waddada Dadaab-Garissa oo xirmay ka dib roobab da’ay

0
260

Roobab culus oo maalmahan da’ay ka dib ayaa waxaa lagu soo warramaya inuu xirmay isku socodka waddada u dhexeysa deegaanka Dadaab iyo Garissa.
Waxaa waddadaasi ku go’doonsan gaadiid badan oo isugu jiro kuwo ganacsi iyo kuwa rakaab sida waxaana ugu daran shubka loo yaqaano Macallin shuuriye oo u dhow tuulada Xagarbuul ee deegaanka Dadaab.
Qaar ka mid ah shacabka halkaasi ku xayiran oo u warramay wakiil wareedka warbaahinta star ee deegaanka Dadaab Maxamad Baaruud Xuseen ayaa dowladda ugu baaqay inay jidkaasi hagaajiso.