Ururka isbitaallada khaaska ah ee magaalooyinka iyo degmooyinka ee (RUPHA) ayaa sheegay inay joojin doonaan adeegyada ay ku bixiyaan caymiska cusub ee caafimaadka bulshada ee SHA.
Waxay sheegeen inaysan ku shaqeyn doonin caymiska SHA islamarkaana dadweynaha xarumahaasi tago ay kharashaad dheeraad ah bixin doonaan.
Ururka isbitaallada khaaska ah RUPHA ayaa sheegay in laga billaabo bisha Koowaad ee sanadka cusub ay joojin doonaan caymiska SHA haddii dowladda ay ku guuldareysto bixinta deymaha lagu leeyahay oo ku dhow 29 bilyan oo shilin ee caymiskii hore ee NHIF.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Isbitaallada khaaska ah oo sheegay inay joojin doonaan adeegyada ay ku bixiyaan...