DHAGEYSO:Isbeheysiga Kenya Kwanza oo doonaya in la is kula xisaabtamo lacagihii ku baxay BBI

0
489

Hoggaamiyeyaasha isbeheysiga Kenya Kwanza oo ay xubno ka yihiin xisbiyada ANC, Ford-Kenya iyo UDA ayaa bayaan ka soo saaray go’aankii shalay ka soo baxay maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court kaasoo lagu laalay qorshaha sharci beddelka ee BBI.
Madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi oo bayaanka akhriyay ayaa sheegay inay bogaadinayaan go’aan uu ku tilmaamay mid geesinnimo leh oo ay qaateen garsoorayaasha.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in xaakinnada ay xaqiijiyeen madax bannaanida iyo hufnaanta waaxda cadaaladda ee dalka.
Mr. Mudavadi ayaa sheegay inay qasab tahay in dowladda dhexe lagula xisaabtamo kheyraadka dadweynaha ee lagu qarash geliyay geeddisocodka fashilmay ee BBI.
Hoggaamiyaha ANC ayaa xusay in barnaamijkan ay ku baxday qiyaastii 10 bilyan oo shilin oo haddii lagu guulaysan lahaa dhaqangelintiisu sanad walbo ay ku bixi lahayd 5.65 bilyan oo shilin.
Mudavadi ayaa tilmaamay in xildhibaanada baarlamaanka ee ka tirsan isbeheysiga Kenya Kwanza ay golaha xeer dejinta u gudbin doonaan in hanti dhowraha qaranka lagula xisaabtamo lacagaha ay dowladdu ku bixisay qorshaha BBI

Waxaa uu madaxa ANC intaasi ku daray inay qasab tahay in wasiirka wasaaradda maaliyadda Ukur Yattani iyo xoghayaha joogtada ah ee wasaaraddaasi Julius Muia ay ka jawaabaan sida uu hadalka u dhigay isticmaalka sharci darrada ee lacagaha dadweynaha.
Musalia Mudavadi ayaa sheegay in kastoo si wayn loo buunbuuniyay hindise sharciyeedka BBI haddana garsoorayaasha maxkamadda ugu sarreysa wadanka ay go’aan taarikhi ah ku joojiyeen sidaas awgeedna uu natiijo la’aan ku soo dhammaaday.
Madaxa ANC oo carrabka ku adkeeyay in qarashaadka loo adeegsaday qorshihii BBI uu ahaa mid aan si rasmi ah loogu qoondeyn howlahaasi ayaa dhanka kale ballanqaaday in hadii ay qabtaan hoggaanka wadanka ay dhaqangelin doonaan miisaaniyadda sanduuqa waaxda garsoorka ee Judiciary Fund.
Shalay ayay ahayd markii lix ka mid ah toddobo garsoorayaal ay isku raaceen in madaxweynaha dalka uunan awood u lahayn inuu billaabo ama qayb ka noqdo qorsho dastuurka wadanka lagu beddelaya sidaas awgeedna uu khalad sameeyay.
Sidoo kale madaxa caddaladda ee dalka Martha Koome ayaa sharci darro ku tilmaantay qaabkii lagu jaangooyay 70 deegaan baarlamaneed oo dheeraad ah kuwaaso la doonayay in wadanka lagu soo kordhiyo.
Dhanka kale madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo dadweynaha kula hadlay Hindi oo ka tirsan ismaamulka Lamu ee gobolka xeebta ayaa sheegay in aan la joogin xilligi la beddeli lahaa dastuurka wadanka u degsan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in shakhsiyaadkii hor kacayay qorshaha sharci beddelka ee BBI looga taag roonaaday awood sharciyeed.