DHAGEYSO:Isbeheysiga Azimio oo sheegay inay sii socon doonaan isu soo baxyada dowladda looga soo horjeedo

0
369

Siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ayaa wacad ku maray in ay sii wadi doonaan isu soo baxyada ay uga soo horjeedaan dowladda dhexe.
Madaxa xisbiga Narc-Kenya, Martha Karua iyo dhigeeda Wiper Kalonzo Musyoka ayaa ku adkaysteen sheegashadooda ah in doorashadii guud ee sanadkii hore guushooda la xaday.
Waxaa ay intaasi ku dareen in guddiga cusub ee uu madaxweynaha dalka William Ruto soo dhisay ee ka shaqeyn doono shaqaaleysiinta saraakiisha iyo guddoomiyaha cusub ee guddiga doorashooyinka ee IEBC ay u xaglinayaan isbeheysiga talada wadanka haya ee Kenya Kwanza.