DHAGEYSO:Isbeheysi ka dhan ah madaxweynaha Koonfur Galbeed oo looga dhawaaqay Muqdisho

0
325

Waxaa Magaalada Muqdisho looga dhawaaqay Isbeheysi siyaasadeed oo loogu magac daray Golaha Samatabixinta Koonfur Galbeed Soomaaliya, ka dib kulan ay yeesheen siyaasiyiin iyo dhallinyaro farabadan oo ka soo jeeda Maamulkaas.
Isbeheysigan oo ka dhan ah Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamad (Laftagareen) ayaa waxaa ku mideysan Madax hore, Xildhibaanno hore, Siyaasiyiin iyo dhallinyaro, kuwaasi oo qaarkood ku jiraan xubno siyaasiyiin ah oo loo soo diiday kuraas Xildhibaanimo.
Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Shacabka Soomaaliya Maxamad Sheekh Cismaan Jawaari, Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Muudeey, Madaxweynihii hore ee Koofur Galbeed Shariif Xasan, Sii hayaha xilka Wasiirka Haweenka Soomaaliya Xaniifa Xaabade iyo xubno kale oo farabadan ayaa kasoo muuqday Madasha arrinkan looga dhawaaqay.
Siyaasiyiinta ku jira Isbeheysiga looga soo horjeedo Madaxweyne Laftagareen oo kulanka ka hadlay ayaa sheegeen in muddo xileedka Laftagareen ay ku egtahay dhammaadka sanadkaan, balse isago waxa uu ku doodayaa in sanadka dambe dhamaadkiisa uu xilkiisa ku egyahay.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ku jira madasha ayaa waxaa kuraas Xildhibaanimo ka soo waayay dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana ka mid ah Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Jawaari, Guddoomiye Muudey, Shariif Xasan, Xaniifa Xaabade iyo xubno kale.

Si kastaba ha ahaatee ku dhawaaqista Isbeheysigan cusub ee loogu magac daray Golaha Samatabixinta Koofur Galbeed ayaa ku soo beegmay, iyada oo shalay uu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamad Laftagareen.