Madaxa wasiirrada dalka, Musalia Mudavadi oo maanta tagay dugsiga hoose dhexe ee Kilimani ee magaalada Nairobi ayaa sheegay in isbeddellada lagama maarmaanka ah ee dhanka tacliinta la eegi doono ka dib marka uu madaxweynaha guddoomo warbixinta CBC.
Maalinka Jimcaha ee toddobaadkan ayaa la qorsheynaya in hoggaamiyaha dalka William Ruto lagu wareejiyo warbixinta la xiriirta CBC kadib ra’yi uruurin laga soo sameeyay ismaamullada kala duwan.