DHAGEYSO:IPOA oo sheegtay inaynan bartilmaameedsi gaar ah ku hayn booliiska

0
337

Maamulka madaxa bannaan ee kormeera howlaha booliiska wadanka ee (IPOA) ayaa sheegay inuusan si gaar ah oo niyad xumo laga dheehan karo u bartilmaameedsan saraakiisha ammaanka.
Waxaa dareenkan muujisay guddoomiyaha IPOA ,Anne Makori.
Tani ayaa timid ka dib hadal uu jeediyay taliyaha guud ee ciidamada booliiska wadanka Japhet Koome oo u muuqday mid looga falcelinayo dhaliisha booliiska.
Koome ayaa maamulka IPOA ku eedeyay in si aan cadaalad ahayn uu u bartilmaameedsado saraakiisha amniga ee awood xad dhaaf ah adeegsada marka ay soo weeraraan burcadda.

Hasa ahaate ,Anne Makori ayaa hoosta ka xarriiqday in 500 oo kiis oo loo gudbiyay xafiiska dacwad oogidda wadanka ka dib markii la diiwaangeliyay dhacdooyin la xiriira adeegsiga awoodda ee saraakiisha oo gaaraya 20,000 ay tahay mid loogu daneynaya shacabka iyo ciidamada labaduba.