DHAGEYSO:IPOA oo baareysa habdhaqanka booliiska

0
326

Guddoomiyaha maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliiska ee (IPOA) Anne Makori ayaa sheegtay inay guda galeen baaritaano ku aaddan sida ciidamada ammaanka ay uga falceliyeen dibadbaxyada isbeheysiga mucaaradka ee Azimio.
Bayaan ay soo saartay ayay Makori ku sheegtay inay eegayaan ilaa afar qof oo ku saabsan sida saraakiisha ay ugu hoggaansameen dastuurka dalka gaar ahaan maareynta shacabka iyo adeegsiga awoodda.
Dhacdooyinka la baaraya waxaa ka mid ah qof shacab oo la sheegay in shalay lagu toogtay ismaamulka Kisumu.
Sidoo kale maamulka IPOA ayaa eegaya dhaawac la sheegay in saraakiisha booliiska ay Kisumu ugu gaysteen qof kale oo rayid ah.
Guddoomiyaha IPOA ayaa ciidamada ammaanka ku boorrisay inay aad isu xakameeyaan oo aynan ku xadgudbin xuquuqda aasaasiga ee dadweynaha.

Dhanka kale qaar ka mid ah shacabka dalka ayaa Raila Odinga ugu baaqay inuu joojiyo dibadbaxyada maadaama ay saameyn ka dhalatay.