DHAGEYSO:Infotrak: Sanadkii 2022-kii wuxuu Kenyaanka u ahaa mid adag

0
359

Inta badan dadka Kenyaanka ah ayaa aaminsan in sanadkii tegay ee 2022-ka uu si gaar ah u ahaa mid adag, taasoo ay ugu wacan tahay qiimaha sare ee nolosha, shaqo la’aanta, iyo helitaanka daryeel caafimaad oo tayaysan.
Daraasaad ay sameysay shirkadda cilmi baarista ee Infotrak ayaa muujinaysa in boqolkiiba 50 dadweynaha ay u arkaan in sanadkii hore uu ahaa mid guud ahaan xun.
Boqolkiiba 28 shacabkii la wareystay ayaa aaminsan in celcelis ahaan sanadkii laga soo gudbay uu ahaa mid heerkiisu dhexdhexaad yahay, halka boqolkiiba 22 ay u arkaan mid guud ahaan aad u wanaagsan.
Darasaadka waxaa uu tilmaamaya in dadka ku nool gobollada Galbeedka, Xeebta, Nyanza, iyo Nairobi uu u ahaa sanadkii hore ee 2022-ka mid aan wanaagsaneyn halka shacabka gobolka Waqooyi Bari u ahaa mid ay u riyaaqeen.
Arrimaha ugu muhiimsan ee dad badan oo Kenyaan ah ay walaac ka muujiyeen ayaa waxaa ka mid ahaa qiimaha maciishada, iyadoo boqolkiiba 52 ee shacabka ay Infotrak wareysatay ay ugu baaqeen dowladda inay wax ka qabato arrimaha mudnaanta leh.
Sahanka waxaa ku cad in shaqo la’aanta, qiimaha sare ee nolosha iyo helitaanka daryeelka caafimaadka ay weli yihiin 3-da arrimood ee ugu muhiimsan ee walaaca laga muujiyay intii u dhexeysay sanadihii 2021 iyo 2022-kii
82 boqolkiiba dadkii la wareystay ayaa rajeynaya in sanadka cusub 2023-ka uu ka wanaagsanaan doona sanadkii hore.
11 boqolkiiba ayaa rajeynaya in sanadkan cusub uu la mid noqon doono sanadkii hore, halka boqolkiiba 7 ay sheegeen in 2023-ka uu ka sii xumaan doono 2022-ka.
Gobollada Waqooyi Bari, Rift Valley, iyo bartamaha dalka, ayaa ayaa raggiii la wareystay oo ay da’doodu u dhexeyso 27-45 sano ay sanadka cusub ka filayaan rajo aad u sarreysa.
Qaar ka mid ah kenyaanka ayaa dareenkooda ku aaddan sanadkii tagay iyo waxyaabaha ay dowladda ka rajeynayaan sidatan u muujiyay.