DHAGEYSO:In ka badan 800 oo qoys oo ku barakacay fatahaadda Tana River

0
314

Ugu yaraan 800 oo ka mid ah qoysaska ismaamulka Tana River ee gobolka Xeebta ayaa ku barakacay daadadka halkaasi ku dhuftay.
Waxaa ay saameynta ugu badan soo gaartay tuulooyinka Mororo, Bakuyu iyo Ziiwani oo ka tirsan degmada Madogo.
Tani ayaa timid ka dib markii webiga River Tana uu karkaarrada jabsaday roobab culus oo da’ay awgood.
Qaar ka mid ah qoysaska ku barakacay dowlad deegaanka Tana River ayaa dareenkooda la wadaagay warbaahinta.

Dowladda hoose ee ismaamulka Tana River iyo Hay’adda Laanqayrta Cas ee Kenya ayaa laba jibbaaray dadaallada gurmadka lagu gaarsiinaya qoysaska ku jiro xerooyinka barakacayaasha.
Agaasimaha waaxda barnaamijyada gaarka ah ee dowlad deegaankaasi Luluita Sokorote ayaa sheegay in dadkan loo qaybinaya agab sida maacuunta iyadoo loo raadinaya cuntooyin ay isticmaalaan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in khatarta daadadka aynan ahayn mid fudud.

 

Dhanka ismaamulka Homa Bay, waxaa guriyahooda ka barakacay ku dhawaad 85 qoysas ah oo degganaa tuulooyinka Karachuonyo iyo Wahambla .
Barasaabka ismaamulka Homa Bay Gladys Wanga oo ka hadashay gargaarka qoysaskan loo fidinaya ayaa dhanka kale xustay inay lagama maarmaan tahay in xal waara loo helo maareynta dhibaatooyinka noocani ah.

Hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka ayaa Arbacadii sheegtay in qaybaha kala duwan ee dalka ay daadad ku barakiciyeen in ka badan 85,000 oo qoysas ah.