DHAGEYSO:In ka badan 700 oo beeraleey ah oo ka qalin jabiyay barnaamijka ganacsiga beeraha ee Safaricom

0
235

Ugu yaraan 700 oo beeraleey ah ayaa ka qalin jabiyay barnaamijka ay shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom xoogga ku saarto ganacsiga dhanka beeraha ee loo yaqaano Wezesha Agri Programme.
Dadka barnaamijkan ka faa’iiday ayaa ku nool ismaamulka Kajiado.
Waaxda Safaricom u qaabilsan dhanka tabarucaadda ee Safaricom Foundation oo kaashanaysa dowladda ismaamulka Kajiado iyo hay’ado kale ayaa tababarkan waday muddo 18 bilood ah.
Qorshahan oo beeralayda lagu fahansiinaya sida wax soo saarkooda uu ula jaanqaadi karo cimillada ayaa lagu qarash geliyay 23 milyan oo shilin.
Guddoomiyaha Safaricom Foundation ,Joseph Ogutu ayaa warbaahinta faahfaahin ka siiyay.

Waxaa sidoo kale barnaamijkan ka hadashay Esther Naishinda oo ka mid ah dadka ka faa’iiday.