DHAGEYSO:In ka badan 50,000 oo qoys oo ku nool ismaamulka Tana River oo ay daadad saameeyeen

0
326

In ka badan 50,000 oo ka mid ah qoysaska ismaamulka Tana River ee gobolka Xeebta ee dalka ayaa waxaa saameeyay daadadka halkaasi ku dhuftay.
Qoysaskan ayaa hoy la’aan noqdeen ka dib markii guryahoodii ay biyuhu galeen.
Dadkan ayaa guryihii ay deganaayeen isaga barakaceen.
Tani ayaa timid ka dib markii webiga River Tana iyo webiyada yar yar ee halkaasi ku yaalla ay karkaarrada jabsadeen roobab culus oo da’ay awgood.
Qaar ka mid ah qoysaska ay fatahaadu saameysay ee dowlad deegaanka Tana River ayaa dareenkooda la wadaagay warbaahinta.

Barasaaabka ku xigeenka ismaamulka Tana River Mahat Loka ayaa dadka deegaanka ku boorriyay inay taxaddaraan oo ay ka fogaadaan meelaha uu joogoodu hooseeya.