Dowladda dhexe ayaa xayiraad ku soo rogtay oo howlaha shaqaaleysiinta ka mamnuucday in ka badan 500 oo shirkadood.
Wakaaladahan ayaa ah kuwa dadka shaqaaleysiiya.
Xoghayaha joogtada ah ee waaxda shaqaalaha iyo horumarinta xirfadaha ee dalka ,Shadrack Mwadime, ayaa sheegay in tani la doonayo in lagu xaqiijiyo badqabka kenyaanka shaqooyinka u raadsado qurbaha.
Shir jaraaid oo uu maanta ku qabtay magaalada Nairobi ayuu xoghayaha ka sheegay inay socdaan baaritaano ka dhan ah shirkadahan.
Waxaa uu xusay in ilaa 1,000 shirkadood ay khiyaaneen kenyaanka balse ay socoto turxaan bixin iyadoo hadda dabagal lagu hayo ugu yaraan 500 oo ka mid ah.
Xoghayaha ayaa dadweynaha ku boorriyay inay aad uga feejignaadaan shirkadaha sheegta inay dadka u fududeeyaan inay shaqooyin ka helaan dalka dibadiisa.
Mwadime ayaa laga soo xigtay in shirkadaha baaritaannada maraya ay ku eedeysan yihiin inaynan u hoggaansamin habraacyada habboon oo ay adeegsadeen qaab khiyaano ah sidaasi awgeedna laga qaadi doono tallaabooyin dhanka sharciga ah.
Waxaa uu shacabka ku boorriyay inay isticmaalaan shabakadda wakaaladda qaran ee shaqaaleysiinta ee NEA si ay u ogaadaan shirkadaha loo ansixiyay inay howlahan qabtaan.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:In ka badan 500 oo shirkadood oo laga mamnuucay shaqaaleysiinta qurbajoogta