In ka badan 40,000 oo qoys oo ka kooban 181,000 oo qof ayaa si iskood ah uga guuray goobaha u dhow biyo mareenada ee ismaamulka Nairobi.
Goobaha ay qoysaskan isaga baxeen ayaa kala ah xaafadaha Mathare iyo Ngong.
Dowladda dhexe ayaa horraan amartay in qoysaska deggan goobaha biyo mareenada inay halkaasi isaga guureen, si aysan saameyn uga soo gaarin daadadka ka dhasha roobabka.
Qaar ka mid ah dadka ay arrintan saameysay ayaa warbaahinta la hadlay.