DHAGEYSO:In ka badan 193,000 oo ka mid ah shacabka Galbeedka Narok oo ka faa’iidaysan doono daryeel caafimaad

0
100

Waxaa uu qorshuhu yahay in ugu yaraan 193,000 oo ruux oo ka mid ah dadweynaha ku nool deegaan baarlamaneedka Galbeedka Narok ay ka faa’iidaystaan bixinta daryeel caafimaad.
Waxaa adeegyadan iska kaashanaya hay’adda M-Pesa Foundation ee shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom , dowladda hoose ee ismaamulka Narok , Daladda Maa Trust , isbitaalka carruurta ee Gertrude iyo hay’adaha ka shaqeeya caafimaadka bulshada.
Barnaamijkan ayaa sidoo kale lagu ballaariyey xarunta caafimaadka ee Talek .
Waxaa halkaasi laga hirgeliyey qaybta hooyooyinka iyo dhallaanka oo loogu adeegi doono in ka badan 50,000 oo haween ah.
Sidoo kale waxaa ay xaruntaasi hooy u noqon doontaa haweenka uurka leh ee wajahaya halis sare.
Wasiiradda caafimaadka ee dalka, Susan Wafula Nakhumicha ayaa faahfaahin ka bixisay qaabka xarunta caafimaad ee Talek loo qalabeyn doono .
Waxay barasaabka ismaamulka Narok , Patrick Ole Ntutu ugu baaqday inay wada shaqeeyaan oo uu hirgeliyo xarumaha umusha oo dheeraad ah.
Wasiiradda ayaa carrabka ku adkeysay in heerka umul raaca ee Narok uu aad u sarreeyo waxayna tilmaantay in 100,000 ee haween ah ee halkaasi ku umulaya ay 434 ka mid ah umul raacaan taasi oo u baahan in wax laga qabto.

Sidoo kale waxay shacabka Narok ku boorrisay in gabdhaha ay fursad u siiyaan waxbarashada oo aynan kula degdegin guur iyadoo xustay in ay la yaab ku noqotay in isbitaalka ay ku aragtay gabdho da’yar oo halkaasi ku umulay.

Wasiiradda ayaa dhanka kale bulshada kula talisay in ay albaabada u furaan oo ay soo dhaweeyaan kana faa’iidaystaan shakhsiyaadka si iskood ah uga shaqeeya daryeelka caafimaad ee loo yaqaano CHVS kuwaasi oo ay dowladdu u xil saartay bixinta adeegyada aasaasiga ah.