Waxaa shaqo joojin billaabay howlwadeennada shirkadda biyaha iyo maareynta bullaacadaha ee ismaamulka Busia ee BUWASCO.
Waxay xireen albaabka wayn ee laga galo xafiisyada ugu muhiimsan xaruntaas.
Shaqaalaha ayaa ka cabanaya mushaaraad aynan siin dowladda hoose ee ismaamulka Busia.
In ka badan 80 ka mid ah shaqaalaha shirkadda BUWASCO ayaa shaqo joojinta ku dhaqaaqay.
Waxay baaq u direen barasaabka ismaamulka Busia Paul Otuoma oo ay doonayaan inuu qaado tallaabooyin lagu xaqiijinaya in howlwadeennadan ay helaan lacago ka maqan 12 bilood.
Saraakiishan oo uu hor kacaya Stanley Juma ayaa shirkadda ay u shaqeeyaan ku eedeyay in aynan gudbin lacago mushaaraadkooda laga jaro.
Waxaa uu Mr. Juma sheegay in aynan shaqadooda dib ugu laaban doonin ilaa iyo inta ay ka helayaan mushaaraadka uga maqan dowladda hoose ee Busia.
Qaar ka mid ah howlwadeennada shirkadda BUWASCO oo warbaahinta la hadlay ayaa yiri