DHAGEYSO:Howlgal laga fuliyay degmo ka tirsan G/Banaadir oo lagu soo qabtay ciyaal weero badan

0
556

Talisyada Ciidamada Booliska, Nabad sugidda Gobolka Banaadir iyo Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Booliska Haramcad ayaa xalay howgal ballaaran oo amniga lagu xaqiijinayay ka sameeyay Guud ahaan Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, halkaas oo ay ku bateen falalka amni darro ee la xiriira burcadda.
Howlgalka oo ay hoggaaminayeen taliyaha qaybta booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole iyo Taliyaha qaybta Bari ee Booliska Cali Calasow Goofjooge ayaa waxaa lagu soo qabtay Khamri farabadan oo ah mid laga keenay dalka Soomaaliya dibaddiisa, , Xashiish, Kooxo Burcad ah iyo hubkii ay wax ku dhici jireen.
Taliyaha qaybta Bari ee Booliska Gobolka Banaadir Cali Calasow Goofjooge oo howlgalka ka dib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalka dadka lagu qabtay baaritaanno dheeri ah lagu sameyn doono, islamarkaana cid kasta oo lagu helo inay qayb ka ahayd amni darrada tallaabo laga qaadi doono.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in howlgalkan uu noqon doono mid si joogto ah looga sameyn doono Magaalada Muqdisho si Amniga loo hagaajiyo.
Shacabka ayuu ugu baaqay inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugidda Amniga.

Dhanka kale guddoomiyaha Maamulka degmada Kaaraan Abshir Maxamuud Maxamad ayaa sheegay in Kooxaha Burcadda ah ay yihiin kuwo ku dhuumanaya Guryaha.
Waxaa uu Shacabka uga digay inay qariyaan burcad, isaga oo sheegay in qofkii qariya uu la mid yahay dambiilaha.

Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay noqotay mid amnigeeda bilihii la soo dhaafay aad looga deyrinayay, waxaana Kooxo Burcad ah iyo Ciyaal weero ay dad badan ku dileen kuwo kalena ay taleefoono ka qaateen.