Maamulka Degmada Dharkeenley iyo Ciidanka Booliska Saldhiga degmadaas ayaa xalay waxay si wadajir ah u fuliyeen Howlgal ka dhan ah Ciyaal Weerada dhibaatada ku haya Bulshada Deegaankaasi.
Howlgalkaan ayaa lagu soo qabtay dhalinyaro aad u fara badan lagu eedeyayay inay ka mid yihiin Ciyaal weerada iyo qaar gacanta lagu soo dhigay iyagoo ku guda jira ka qeyb qaadashada weerada, kuwaasoo laamaha Amaanka ay la wareegeen si sharciga loola tiigsado.
Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Dharkeenleey Macalin Aadan ayaa sheegay inaysan aqbali doonin markii Ciidamada ay howlgalka kusoo qabtaan Dhalinyarada Ciyaal weerada ah inay ka daba yimaadaan Waalidiintooda, iyagoo marmarsiiyo u raadinaya.
Guddoomiyaha Degmada Dharkeenley Guhaad Sheekh Xasan Cali ayaa dhankiisa xusay inay sii wadi doonaan Howlgalada ka dhanka ah Ciyaal weerada, asigoona dhinaca kale fariin u diray waalidiinta ku nool Degmada Dharkeenley si ay gacan uga siiyaan Maamulka ka hortaga Dhalinyarada dhibaatada ku heysa Bulshada.
Habeenadii la soo dhaafay ayaa Xaafado katirsan degmada Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir waxaa dhibaato ku haayay Dhalinyarada Ciyaal weerada ah, kuwaasoo dadka Shacabka ah dilaya qaarkoodna dhac u geeysanayay.