DHAGEYSO:Howlaha waddada wayn ee Nairobi ExpressWay oo si caadi ah ku soo noqday

0
298

Waxaa meesha laga saaray tallaabadii si ku meel gaar ah loogu hakiyay howlaha waddada wayn ee Nairobi ExpressWay gaar ahaan dhanka Mlolongo, Syokimau iyo qaybta SGR-ka ka dib markii burbur lagu gaarsiiyay dibadbaxyadii Arbacadii.
Shirkadda waddadan maareysa ee Moja Expressway Company ayaa bayaan ku sheegtay in howlaha ay sidii caadiga ahayd ku soo noqdeen.
Waxay shirkaddu dhammaan gaadiidleyda ugu baaqday inay taxaddar muujiyaan maadaama ay weli socdaan howlo dib loogu dhisaya qaybihii la burburiyay.

Waxaa arrintan ka hadlay Collins Aura oo ka mid ah shaqaalaha shirkadda Moja ExpressWay.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo waddooyinka ee dalka Mr. Kipchumba Murkomen uu sheegay in ka dib qiimeyn la sameeyay lagu ogaaday in qiimaha burburka hantiyadeed ee la gaarsiiyay waddadaasi uu kor u dhaafaya 706.7 milyan oo shilin.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in ugu yaraan 50 qof falkaasi loo xiray.