DHAGEYSO:Hooyo 5 carruur ah ku dhashay Nakuru

0
243

Waxaa lagu soo warramayaa in hooyo lagu magacaabo Margaret Wairimu oo 25 sano jir ah ay isbitaalka wayn ee ismaamulka Nakuru hal mar ah ku umushay 5 carruur oo isugu jiro afar gabdhood iyo wiil.
Simon Ndungu oo ah aabaha carruurtan ayaa farxadiisa sidatan ula wadaagay warbaahinta.

Madaxa isbitaalka guud ee Nakuru, Aisha Maina ayaa sheegtay in hooyadan oo xanuun daremaysa isbitaalka la geeyay 29-kii bishii hore.
Waxay intaasi ku dartay in carruurta ay dhasheen iyagoo aan dhameysan bilooyinkii loogu talagalay balse ay dhakhaatiirta dadaal geliyeen inay badbaadiyaan dhallaanka iyo hooyadooda.