DHAGEYSO:Hooyada dhashay Ikraan Tahliil oo madaxweyne Xasan Sheekh ka dalbatay caddaalad

0
295

Labo sano ayaa laga jooga markii la waayay Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd sarkaal ka tirsanayd hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee Soomaaliya ee NISA, taas oo markii dambe NISA ay sheegtay inay afduubteen oo ay dileen Al-Shabaab.
Markii la waayay, 26-kii bishii Lixaad ee June ee sanadkii 2021-kii, waxay ka shaqaynaysay waaxda amniga intarneetka ee hay’adda NISA.
Qaali Guhaad oo ah hooyada Ikraan Tahliil Faarax ayaa wareysi ay bixisay waxay ku sheegtay in aynan weli helin caddaaladda gabadheeda.
Waxaa ay sheegtay in aynan jirin weli cid ka hadashay kiiska gabadheeda.
Hooyadan ayaa ka dalbatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu gabadheeda la raadiyo, uuna sheego nolol iyo geeri midka ay ku sugan tahay.