DHAGEYSO:Hoggaamiyayaasha Mombasa ayaa doonaya in la helo sanduuq gaar ah oo wax looga qabanyo carruurta naafada ah

0
208

Qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha ismaamulka Mombasa ayaa doonaya in golaha hoose ee dowlad deegaankaasi iyo dowlada dhexe ay soo saaraan sanduuq gaar ah oo wax looga qabanayo caqabadaha ay wajahayaan carruurta naafada ah ee ismaamulkaasi.
Waxaa ay si gaar doonayaan in wax laga qabto arrimaha caafimaadka iyo waxbarashada ee dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ku nool dowlad deegaanka Mombasa
Hoggaamiyayaasha ayaa sheegay in carruurta badankood ay ka soo jeedaan qoysas danyar ah, islamarkaana aysan awoodin inay waxbarashadooda sii wataan caqabado dhanka qarashaadka awgeed.