DHAGEYSO:Hoggaamiyaha aqlabiyadda oo digniin u diray waaxda garsoorka

0
182

Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kimani Ichung’wah ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ku boorriyay inuu awoodiisa adeegsado oo uunan marnaba waaxda garsoorka ee wadanka ka oggolaan inay caqabad ku noqoto fulinta qorshayaasha horumarineed ee maamulkiisa.
Ichung’wah ayaa sheegay in waaxda cadaaladda ay ka tallaabsanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah.
Waxaa uu ku hanjabay inay laanta garsoorka ee dalka ka dhimi doonaan miisaaniyadda ay ku shaqeyso haddii ay sii wado go’aammada ka dhanka ah barnaamijyada dowladda.

Dhawaan ayay ahayd markii ay maxkamadda racfaanka ee dalka diiday inay meesha ka saarto go’aan ay maxkamadda sare 28-kii bishii 11-aad ee sanadkii hore ku hakisay dhaqangelinta canshuurta guriyeynta.
Maxkamadaha ayaa isku raacay inay sharci darro tahay in shaqaalaha iyo xarumaha ay ka howlgalaan bil waliba laga jaro boqolkiiba min 1.5 si lacagtan loogu biiriyo sanduuqa guriyeynta.