DHAGEYSO:Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka oo sheegay in ay la dagaallamayaan musuqa

0
227

Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kimani Ichung’wa ayaa sheegay in golaha qaran ee xeer dejinta ay ka go’an tahay la dagaallanka musuqmaasuqa.
Waxaa uu sheegay in ay mas’uuliyiinta dowladda sare iyo kuwa ismaamullada ay kula xisaabtami doonaan maareynta lacagaha dadweynaha.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ismaamullada uu musuqmaasuqa ugu badan ka jiro ay ka mid yihiin Nairobi iyo Kiambu.
Kimani Ichung’wa ayaa sheegay in aynan wax raalligelin ah ka bixinayn la xisaabtanka mas’uuliyiinta sidaasi awgeedna haddii la sheego in ismaamulka uu barasaabka hoggaamiyo uu musuqmaasuqa ku badan yahay aan loo baahyan in ay u fasirtaan bartilmaameedsi siyaasadeed oo iyaga ka dhan ah.