DHAGEYSO:Hoggaamiyaasha Mombasa oo digniin u diray mas’uuliyiinta Embu iyo Meru

0
337

Hoggaamiyaasha siyaasadeed ee ismaamulka Mombasa ayaa waxay digniin u direen madaxda dowlad deegaannada Embu iyo Meru oo ay ku dhaliilayaan in ay adeegsanayaan hadallo xanaf leh oo keeni kara kicin dadweyne iyo naceyb.
Barasaabka ismaamulka Mombasa Cabdulswamad Shariif Naasir iyo siyaasiyiinta kale ayaa sheegay in xita iyadoo laga falcelinaya go’aammadii lagu mamnuucay qaadka Mogokaa loo baahan yahay in aan bulshada la isku dirin.
Waxay sheegeen in si kasta oo ay u falceliyaan madaxda ismaamullada qaadkan laga soo saaro , in marnaba uunan isbeddeli doonin mowqifka lagu badbaadinaya mustaqbalka dhallinyarada iyo qaybaha kale ee bulshada gobolka Xeebta.