Madaxda kaniisadaha ee ismaamulka Uasin Gishu ee gobolka Rift Valley ayaa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ku bogaadiyay tallaabada uu ku hakiyay dibadbaxyadii qorsheysnaa maalinka Arbaca ee toddobaadkan.
Tani ayaa timid ka dib markii ay Azimio shaacisay in maalinkaasi aan bannaan baxyo lagu qaban doonin waddooyinka balse ay jirayaan munaasabado lagu xusuusanaya dadkii ku nafwaayay dibadbaxyada si taageero loogu muujiyo qoysaska ay ka baxeen.
Hasa ahaate baadariyaasha Uasin Gishu ayaa codsanaya in garabka mucaaradka ee dalka uu gebi ahaanba meesha ka saaro mudaaharaadyada ka dhanka ah dowladda dhexe ee ay ku dalbanayaan in la yareeyo qiimaha sarreeya ee maciishadda.
Waxay madaxda kaniisadaha ee ismaamulkaasi hoosta ka xarriiqeen in dad badan ay ku nafwaayeen isku dhacyada booliiska iyo dibadbaxayaasha.
Sidoo kale waxay hoggaamiyaasha mucaaradka iyo maamulka talada wadanka haya ee Kenya Kwanza ku boorriyeen inay dhinac iskaga dhigaan danahooda gaarka ah oo ay mudnaanta koowaad siiyaan nabad galyada iyo horumarka qaranka.
Waxay doonayaan in dib loo billaabo wada hadalladii u dhexeyay labada dhinac ee la hakiyay.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Hoggaamiyaasha diimeed ee Uasin Gishu oo Azimio ku bogaadiyay hakinta dibadbaxyada