Hay’adda Bangiga KCB u qaabilsan tabarucaadda ee KCB Foundation barnaamijkeeda shaqo abuurka oo kaashanaya Mastercard Foundation ayaa tababarrada farsamada gacanta u fidiyay 400 oo da’yar ah.
Dhallinyaradan ayaa ka soo jeeda deegaannada hoose ee ismaamulka Elgeyo Marakwet.
Waxay ka qalin jabiyeen 13 ah machadyada lagu barto culuunta farsamada ee dowlad deegaankaasi.
258 ka mid ah dhallinyaradan ayaa la siiyay agabyo ay ku ganacsan karaan.
Barasaabka ismaamulka Elgeyo Marakwet ,Wisley Rotich ayaa dhallinyarada kula dardaarmay in ay noloshooda iyo midda qoysaskooda ku maareeyaan farsamada gacanta ee noocyada kala duwan ah ee la baray.
Waxaa uu ku boorriyay in aynan liidin culuunta farsamada gacanta in kastoo waxbarashada jaamacadeed ay muhiim tahay.
Guddoomiyaha ayaa tusaale u soo qaatay farsamada cillad bixinta baabuurta, timo jaridda , dhismaha , sameynta agabka sida kuraasta , sarriiraha iyo waxyaabaha kale ee ay bulshada adeegsato.
Waxaa uu waalidiinta ismaamulkaasi uga mahadceliyay in ay carruurtooda u oggolaadeen ayna ku dhiirrigeliyeen in ay farsamada gacanta bartaan.
Barasaabka ismaamulka Elgeyo Marakwet Wisley Rotich ayaa tilmaamay in markii barnaamijkan la daahfurayay ay dad badan u arkayeen mid aan micno wayn lahayn balse hadda lagu baraarugay faa’iidadiisa.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Hay’adda KCB Foundation oo tababarro farsamo siisay 400 oo dhallinyaro ah