DHAGEYSO:Hay’adaha u dooda xuquuqul aadanaha ee dalka oo booliiska ku eedeyay adeegsiga awood xad dhaaf ah

0
286

Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ee uu fadhigoodu yahay gobolka Xeebta ee dalka ayaa cambaareeyay dhacdooyinkii la soo tabiyay intii ay socdeen dibadbaxyada mucaaradka.
Ururradan oo ay horkacayaan hay’aadaha u dooda xuquuqa aadaanaha ee kala ah Haki Afrika iyo MUHURI ayaa ciidamada booliiska ku eedeyeen inay awood xad dhaaf ah u adeegsadeen la tacaalidda dibadbaxyadii ka dhacay wadanka.
Waxaa ay ku boorriyeen hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga iyo madaxweynaha dalka William Ruto inay ka wada xaajoodaan xallinta arrin kasta oo muran ka dhasha.
Madaxa fulinta ee hay’adda u ololeysa arrimaha xuquuqul aadanaha ee Haki Afrika Xuseen Khaalid ayaa sheegay in mudaharaadyada mucaaradka ay ilaa iyo hadda ku dhinteen 27 ruux.