Qaar ka mid ah haweenka ismaamulka Mombasa ayaa madaxweynaha dalka William Ruto iyo hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ka codsaday inay gaaraan xal waara oo siyaasadeed.
Waxay carrabka ku adkeeyeen in aanan waxba laga faa’iidaysan in mar kale siyaasiyiinta mucaaradka ay dib u billaabaan dibadbaxyada ay hakiyeen.
Tani ayaa ku soo beegmaysa ka dib markii shalay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga uu sheegay inuu doonaya in ismari waaga taagan lagu xalliyo qaab ka baxsan baarlamaanka.