DHAGEYSO:Haweenka Mandera oo wacad ku maray dabar-goynta gudniinka fircooniga

0
574

Haweenka ismaamulka Mandera ayaa sheegay in ay dowladda garab ku siinayaan sidii loo cirib tiri lahaa gudniinka gabdhaha nooca fircooniga ee loo yaqaano FGM-ka.
Waxay sheegeen inay sameyn doonaan wacyigelin ballaaran oo arrinkan ku aaddan taasoo gabdhaha lagu fahan siinaya xuquuqdooda.
Haweenka ayaa xusay inuu qorshahoodu yahay in FGM-ka laga gudbo sanadka 2022-ka sida uu horay u shaaciyay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.

Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo ismaamulka Mandera Onesmus Kyatha ayaa dhankiisa haweenka u ballanqaaday in laamaha ammaanka ay ku taageeri doonaan dadaalka ku aaddan dabar-goynta gudniinka fircooniga.