Madaxa xafiiska diiwaangeliya xisbiyada siyaasadeed ee dalka Ann Nderitu oo u warramaysay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa sheegtay in loo baahan yahay xeerar adag oo lagu xakameynaya xisbiyada siyaasadeed ee dalka.
Waxay carrabka ku adkeysay in sharciga dalka uunan oggolayn in siyaasiga uu labo xisbi ka wada tirsanaado.
Waxay intaasi ku dartay in siyaasiyiinta ay goobaha fagaaraha ah ka sheegaan inay xisbi ka baxeen oo ay mid kale ku biireen balse taasi aynan ku qotomin diiwaanka xafiiskeeda yaalla ee xubnaha xisbiyada dalka.
Nderitu ayaa caddeysay in xisbiyada siyaasadeed laga doonaya inay xubnahooda kula xisaabtamaan dhaqamada noocani ah.
Waxay tilmaantay inay jiraan xeerar u degsan xisbiyada oo uunan xafiiskeeda ku faragelin karin qaabka ay u fuliyaan.




