Waxaa maanta maxkamad ku taalla ismaamulka Mombasa ee gobolka Xeebta ka soo hormuuqatay haweeney ganacsata ah oo lagu magacaabo Anne Njoroge.
Dhawaan ayay ahayd markii la sheegay in haweeneydan la waayay ka dib markii ay dalka dibadiisa ka soo dejisay shidaal qiimo ahaan dhan 17 bilyan oo shilin.
Qareenkeeda Cliff Ombeta ayaa warbaahinta u sheegay in Ann ay dad ugu war dambeysay ka dib markii looga yeeray xarunta dambi baarista ee DCI-da si su’aallo loo waydiiyo .
Waxaa uu intaasi ku daray in taleefoonkeeda la demiyay halka DCI ay beenisay inay gacanta ku haysa.
Hasa ahaate Ann Njoroge oo uu weheliyo qareenkeeda Cliff Ombetta ayaa maanta maxkamadda Mombasa la soo taagay.
Dhanka kale maamulka maareynta dekadaha dalka ee KPA ayaa shaaciyay in Ann ay adeegsatay dokumeentiyo been abuur ah iyadoo doonaysa inay caddeyso inay tahay milkiilaha saxda ah ee shidaalka dalka la keenay.
Agaasimaha guud ee maamulka KPA Captain William Ruto ayaa sheegay in shidaalka ay dibadda ka soo dejisatay shirkadda bixisa adeegyada tamarta ee Galana Energies Limited oo ayna shirkaddu haysato dokumeentiyada saxda ah ee arrinkan la xiriira.