Hay’adda laanqayrta cas ee Red Cross laanteeda Kenya ayaa sheegtay in hal cunug uu gaajo ugu dhintay xarunta ku meel gaarka ah ee qaxootiga ka soo cararay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ee DRC.
Xaruntan ayaa ku taalla magaalada Kitale ee ismaamulka Trans Nzoia.
Qaxootigan oo sugaya in loo sii daadgureeyo xeryaha qaxootiga ee Kakuma ee dowlad deegaanka Turkana ayaa waxay la daala dhacayaan cunto iyo biyo la’an.
Muddo saddex toddobaad ah ayaa waxaa koror ku yimaaday qaxootiga oo markii hore ahaa 700, waxayna hadda tirada mareysa 1600.