DHAGEYSO:Haki Afrika oo maxkamadda u gudbineyso dacwad ka dhan muran dhuleed la isku haysto ismaamulka Lamu

0
297

Hay’adda u ololeysa arrimaha xuquuqul aadanaha ee Haki Afrika ayaa qorsheeneysa inay dacwad u gudbiso maxkamadda ka dib markii uu muran uu ka dhashay dhul la sheegay in ay leeyihiin kalluumaysato ka howlgala xeebta jasiiradda Amu ee ismaamulka Lamu.
Dhulkan la isku haysto ayaa ku fadhiya hal hektar iyo bar.
Madaxa fulinta ee hay’adda u ololeysa arrimaha xuquuqul aadanaha ee Haki Afrika Xuseen Khaalid ayaa sheegay in dhulkan la isku haysto ay milkiyadeeda leeyihiin kallumeysatada xeebta Amu.

Hasa ahaate Cabdalla Twah ayaa ku dooday in dhulkan uu ka iibsaday shakhsi caadi ah islamarkaana caddeymaheeda uu hayo.