DHAGEYSO:Guddoomiyihii hore ee Wajeer oo ka hadlay isbeddelka dhanka hoggaanka ee dowlad deegaankaas

0
474

Barasaabkii hore ee ismaamulka Wajeer Axmad Cabdullaahi ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in laga gudbo jahwareerka ka dhashay isbeddelkii ku yimid hoggaanka dowlad deegaankaasi.
Waxaa uu sheegay inuu rajeynayo in la soo afjaro dacwadda uu maxkamadda geeyay guddoomiyihii xilka laga qaaday Maxamad Cabdi Maxamuud .
Sidoo kale waxaa uu ku taliyay in hadii Maxamad Cabdi la soo celiyo ama ku xigeenkiisii hore Axmad Cali Mukhtaar uu xilka sii hayo labaduba laga doonayo in ay bulshada u adeegaan oo aynan diiradda saarin in ay siyaasiyiinta keliya qanciyaan.