DHAGEYSO:Guddoomiyihii hore ee Garissa oo BBI ku tilmaamay qorsho nabadda lagu xoojinaya

0
559

Barasaabkii hore ee ismaamulka Garissa Nathiif Jaamac Aadan ayaa ka hadlay arrimaha sharci beddelka ee BBI isagoo bulshada ugu baaqay in ay nabadgalyada ku dadaalaan.
Waxaa uu xusay in qorshahan uu yahay mid loogu talagalay sare u qaadidda midnimada iyo wadajirka bulshada.

Hadalkan ayuu maanta ka jeediyay magaalada Garissa oo lagu qabtay shir ku saabsanaa arrimaha BBI oo uu ka qayb galay hoggaamiyaha xisbiga KANU ahna senatarka ismaamulka Baringo Gideon Moi .
Guddoomiyaha Garissa Cali Bunow Qorane ayaa dhankiisa sheegay in wakiillada golaha hoose ee ismaamulkaas ay noqon doonaan kuwa ugu horreeya ee ansaxiya hindise sharciyeedka BBI iyagoo ku saleynaya faa’iidooyinka laga dhaxlaya.

Cali Bunow ayaa dhanka kale soo hadal qaaday dhibaatooyinka in muddo ah ka jiray xadka ismaamullada Garissa gaar ahaan dhanka deegaanka Lagdera iyo dowlad deegaanka Isiolo.
Waxaa uu sheegay inay doonayaan in khilaafka jiro lagu xalliyo qaab cid kasta ay ku qanacsan tahay.

Barasaabka Garissa oo tusaale u soo qaatay xuduudda Tana River iyo Garissa ayaa hoosta ka xarriiqay sida qorshaha BBI uu xal ugu raadinaya murannada dhanka xuduudda ah .

Hoggaamiyaha Garissa ayaa shaaciyay isbeheysiga ay Garissa ka tirsan tahay oo ay doonayaan in la soo dhiso isagoo ka digay in shacabka qaab siyaasadeed lagu kala qaybiyo.

Sidoo kale waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ismaamulka Garissa si la mid ah deegaannada kale ee dalka uu xilli hore ka billowday ololaha siyaasadeed ee ku aaddan doorashada guud ee sanadka 2022-ka.
Waxaa uu digniin adag u diray cid kasta oo isku daydo in ololaheeda ay rabshad u adeegsato

Hoggaamiyaha xisbiga KANU,Gideon Moi ayuu barasaabka Garissa ka codsaday inuu ku dadaalo sidii ay ula kulmi lahayeen madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta si ay kaga wada hadlaan in deegaanka Ijara labo deegaan baarlamaneed laga dhigo.