DHAGEYSO:Guddoomiye ku xigeenka UDA oo ku biiray Azimio

0
310

Guddoomiye ku xigeenka xisbiga UDA ee uu hoggaamiyo madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ,Kipruto Arap Kirwa ayaa shalay si rasmi ah ugu biiray isbeheysiga Azimio.
Tallaabadan ayuu qaaday xilli shalay musharraxa madaxweyne ee Azimio Raila Odinga uu isku soo bax siyaasadeed ku qabtay deegaan baarlamaneedka Sirisia ee ismaamulka Bungoma , galbeedka wadanka.
Kirwa oo ay si rasmi ah u soo dhaweeyeen Mr. Odinga iyo ku xigeenkiisa Martha Karua ayaa go’aanka uu qaatay oo uu sheegay inuu ka fikirayay 13 cisho u aaneeyay saameynta siyaasadeed ee ra’iisul wasaarihii hore ee dalka.
“Waxaan maanta iska casilay xilkeygii guddoomiye ku xigeenka UDA sababtoo ah waxaan dareemay sida dimuqraadiyadda loo caburin doono haddii aan garabka kale fursad siino “ ayuu yiri Kipruto Arap Kirwa .
Mr. Kipruto oo faahfaahin ka bixinaya isbeddelka ku yimid mowqifkiisi siyaasadeed ayaa hadalkiisa sidatan u dhigay.

Siyaasigan ayaa ku dhawaad 20 sano ahaa xildhibaanka deegaanka Cherangany ee dowlad deegaanka Trans Nzoia isagoo sidoo kale soo noqday wasiirkii wasaaradda beeraha ee maamulkii madaxweyne Mwai Kibaki.
Musharraxa madaxweyne ee Azimio La Umoja Raila Odinga iyo ku xigeenkiisa Martha Karua ayaa sheegay in Ruto iyo xulafadiisa ay xilli hore walwal siyaasadeed muujinayaan sida inuu jiro qorsho lagu faragelinaya natiijada doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.