Barasaab ku xigeenka ismaamulka Mandheera Dr. Cali Macallin Maxamuud ayaa ka tacsiyadeeyay dhimashada qof shacab ah oo shalay lagu dilay magaalada Mandera.
Guddoomiye ku xigeenka ayaa sidoo kale caafimaad degdeg ah u rajeeyay qof kale oo uu dhaawac soo gaaray, waxaa uu intaasi ku daray in laamaha ammaanka ay ku raadjoogaan kooxdii arrinkan ka dambeysay.