DHAGEYSO:Guddoomiyaha Samburu oo eedeyn u jeediyay waaxda DCI-da

0
151

Barasaabka ismaamulka Samburu Jonathan Lati Leleliit ayaa waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ku eedeyay inay hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee wadanka ugu yeereyso wareysiiyo aan muhiim ahayn.
Guddoomiyaha dowlad deegaanka Samburu ayaa markii labaad muddo bil gudaheed ah looga yeeray xarunta saraakiisha waaxda DCI-da ee gobolka Rift Valley ee ismaamulka Nakuru oo uu shalay warbixin ka qoray.
Waxaa wax laga weydiiyay falalka burcadnimada ah iyo dhaca xoolaha ee laga gaysta ismaamulka Samburu.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in siyaasigan uu xarunta DCI-da ku sugnaa ilaa 10 daqiiqo isagoo laga dalbaday inuu saxiixo dokumeentiyo muhiim ah oo ay u soo bandhigeen dambi baarayaasha ka hor inta uunan halkaasi ka soo tagin.
Laamaha ammaanka ayuu sheegay in laga doonayo in ay la tacaalaan kooxaha burcadda ah ee dilalka iyo dhaca gaysanaya.