Guddoomiyaha dalladda hoggaamiyaasha muslimiinta dalka ee NAMLEF laanteeda ismaamulka Garissa Sheekh Xasan Cabdullahi Cameey ayaa sheegay inay jiraan qaar ka mid ah qubuuraha ama xabaalaha Garissa oo ay saameeyeen biyaha daadadka kuwaasoo meydadka bannaanka u soo saaray.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dhibaatadan laga soo tabiyay qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Garissa.
Sheekh Xasan Cabdullahi Camey ayaa dadweynaha ugu baaqay inay kormeer ku sameeyaan xabaalaha oo ay mar kale aasaan meydadka ay daadadku bannaanka keeneen.