Dowladda ismaamulka Nairobi ayaa maanta soo bandhigtay qorshe loogu diyaargaroobayo ka hortagga saameynta ka dhalan karta xaaladaha cimillada ee loo yaqaano El Nino.
Waxaa uu maamulka caasimadda wadanka ee Nairobi dejiyay qorshe lagu sugayo badqabka dadweynaha magaala madaxda wadanka iyadoo roobab xooggan la saadaalinaya inay wadanka ka da’aan billooyinka nagu soo aadan.
Barasaabka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa sheegay in maamulkiisa uu billaabayo burburinta guryaha iyo buushashka laga dhisay goobaha biyo mareenada ee caasimadda dalka.
Guddoomiyaha ayaa dhanka kale ka codsaday agaasimayaasha waaxyaha dhismayaasha inay calaamadeeyaan guryaha aynan tayadooda wanaagsaneyn, si dadka deggan looga saaro ka hor inta aysan billaaban cimillada El Nino.
Dhawaan ayay ahayd markii waaxda saadaasha hawada ee dalka ay soo saartay digniin ah in laga billaabo bisha Tobnaad ilaa bisha 12-aad ee sanadkan ay wadanka soo wajihi karaan xaaladaha cimillada ee loo yaqaano El Nino.
Xilliyadan oo ay soomaalidu u taqaano deyr biyo badan ayaa waxaa la diiwaangeliyaa roobab culus oo ay ka dhashaan daadad saameyn wayn reeba.